Weeraryahanka kooxda Atlerico Madrid iyo Xulka Croatia Mario Mandzukic ayaa kusoo biiraya kooxda Juventus xagaagan.
Inkastoo aysan wali jirin wax rasmi loogu dhawaaqay labada dhinacba hadana tababare Massimiliano Allegri ayaa ka dhawaajiyay hadal u eg xaqiijin madama uu qiray inuu ku faraxsan yahay imaatinka Mario Mandzukic xili uu wareysi siinayay Sky Sports Italia.
Waxaa jira warar badan oo xan oo xidigaan la xiriirinayay kooxda Man United ee Old trafford ku ciyaarta, balse haatan Juventus ayuu kusii dhawyahay xidigaan.
Allegri: “Waa weeraryahan goolal ka dhaliyay horyaal walba oo uuka ciyaaray, wuxuu u leeyahay dabeecad, waa xidig leh qibrad caalami ah wax fiican ayuuna ku sameyn karaa Italy”
“Waan la saxiixanay waayo waan dooneynay. waa xidig weyn waana ku faraxsanahay inuu nagu soo biiro” Ayuu yiri Allegri mar wax lag weydiiyay Mandzukic.
Hadalka Allegri ayaa ka dhigan in Mario Mandzukic maalmaha soo socda la xaqiijin doono ku biiritaankiisa kooxda Juventus, waxeyna kooxda Bianconerri lumineysaa Carlos Tevez.