Tababaraha Liverpool Branden Rodgers ayaa ka dhawaajiyay inuusan wax fikrad ah ka hesyan go’aanka uu qaadan doono da’yarkiisa reer Ingiriiska Raheem Sterling kaas oo diidan inuu heshiis cusub u saxiixo Liverpool.
20-jirkaan Asal Jamaican-ka ah ayaan wali ogolaan inuu heshiis cusub u saxiixo waxaana la hadal hayaa inuu aadi doono kooxda Real Madrid ee dalka Spain.
Raheem Sterling heshiiska uu haatan kula jiro Liverpool wuxuu dhamaanayaaJune 2017, wuxuuna diiday inuu saxiixo heshiis cusub oo uu isbuucii qaadanayo 90,000 Pound.
“Wali wax heshiis ah lama gaarin hada iyo dhamaadka xagaaga midkood” Ayuu yiri Rodgers, “Waa arin iska cad oo ku xiran iyo isaga iyo wakiilkiisa” Ayuu hadalkiisa raaciyay Rodgers.
“Waxaan la qaatay wada sheekeysi fiican, xiriirka naga dhaxeeyana wuu furan yahay”
“Ma jirto wax aan ka oran karo, mana saadaalin karo sida ay sheekada noqon doonto” Ayuu yiri Branden.
Ugu dambeyntii macalin Branden Rodgers ayaa ka gaabsaday xaalada xidigaan da’da yar isagoo u daayay maamulka kooxda iyo wakiilkiisa.