Macalinka kooxda Brendan Rodgers ayaa u waramay Daily Mail wuxuuna macalinkan la wadaagay sidii uu kooxdiisa Reds uga soo saaray marxaladii dhibka badnaa kuwaas oo ku qasbi rabtay inuu shaqadiisa garoonka Anfield waayo.
Rodgers ayaa ka dhawaajiyay inuu dhowr maalmood qolkiisa xafiiska ah uu isku xiray sidoo kalena diiday inuu dad la kulmo si uu xal ugu raadiyo dhibaataa kooxdiisa ku raagtay bilawgii xili cayaareedkan.
“Kadib guuldaradii 3-1 aan kala kulanay Crystal Palace bishii November waxaan go’aansaday inan qolkeyga gaarka ah isku xiro maalmo badan sidoo kalena aan qof la hadlin”
“Kaliya waxaan saacado kooban fikir la wadaagi jiray macaliminta ila shaqeyaan ugu dambeyntii xal waaro ayaan u helay dhibaatadii sababi rabtay inaan shaqadeyda waayo”
“Kadib waxaan la imaaday shaxda 3-4-3 midaas oo noo suura galisay inaan dib ugu soo laabano safka hore ee horyaalka”
“Weliba waxaan xasuusta markii ugu horeesay ee aan shaxdan adeegsaday Man United ayaa 3-0 nooga badisay balse ma badalin shaxdeyda waayo kulankaas cashar fiican ayaan ka qaatay madaama ay xidigaheyga bandhig wanaagsan sameeyeen”
Macalin Rodgers iyo kooxdiisa Liverpool guuldaro kulankii Old Trafford ayaa ugu dambeeyay kaasi oo la cayaaray bartamaha bishii December ee sanadkii hore.
Hadii Liverpool kulanka ay la cayaari doonto Man United waxaa u suura gali doonto inay kaalinta 4-aad kala wareegaan kooxda ay xifaaltamaan.