Tababaraha Xulka England Roy Hodgson ayaa shaaca ka qaaday in dhibaato weyn uusan aheyn dhaawacii uu xalay garoonka kaga baxay Danny Welbeck kulankii ay England 1-0 ku direen dhigooda Estonia kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.
Wiilasha macalin Roy Hodgson ayaa ku socda si aan caadi aheen iyagoo guul gaaray dhamaan kulamadii ay ciyaareen isreeb-reebka Euro 2016, waxeyna haatan groupka E ku horkacayaan 9-dhibcood.
Danny Welbeck ayaa laga saaray ciyaarta qeybteedii dambe markii uu canqawga xanuun ka dareemay waxaana lagu badalay weeraryahanka Liverpool Rickie Lambert.
Si Kastaba Roy ayaa dajiyay jawiga kacsan ee Gunners madama kooxda waqooyiga London ka dhisan ay la dhibtooneyso dhaawacyo badan oo dhawaan soo wajahay.
“Uma maleynayo inuu dhaawac yahay, canqawga ayuu wax ka dareemay, balse maahan mid ay ka walwalsan yahiin dhaqaatiirta”
“Wey jirtaa in Danny Laga saaray ciyaarta, balse maahan wax qatar ah diyaar ayuuna u noqon doonaa kulanka ugu soo horeeya ee Arsenal” Ayuu yiri Roy Hodgson.
Ugu dambeyntii Danny Welbeck ayaa xagaagan ku biiray kooxda Arsenal, isagoo kasoo tagay Manchester United wuxuuna Emirates ku yimid aduun dhan 16 Malyan Oo Pound.