Home » Horyaalada » italian Serie A » Tababare Sinisa Mihajlovic Oo Albaabada U Furay Soo Laabashada Zlatan Ibrahimovic Ee Milan

Tababare Sinisa Mihajlovic Oo Albaabada U Furay Soo Laabashada Zlatan Ibrahimovic Ee Milan


Ibra

Tababaraha cusub ee kooxda Milan Sinisa Mihajlovic ayaa albaabada kooxda u furay xidigii hore kooxda ka dhisan Sansiro Zlatan Ibrahimovic.

Ibrahimovic ayaa wali lala xiriirinayaa inuu dib ugu soo laabanayo Serie A-da iyadoo la xasuusto inuu 2010-2011 horyaalka la qaaday kooxda Milan.

Sinisa Mihajlovic ayaa la weydiiyay arimo ku saabsan 33-jirkaan wuxuuna ku jawaabay: “Waa xidig muhiim ah oo wanaag hore halkaan ka sameeyay”

“Waan arki doonaa waxa dhaca, ma ogaan karo hadii uu ka tagayo Paris iyo hadii kale, mana ahan wax i quseeyo”

“Halkaan waxaan u imid inaan tababaro noqdo, shaqo kuma lihi arimaha suuqa kala iibsiga”

Si kastaba Ibrahimovic ayaa dhaliyay 30-gool dhamaan tartamada oo dhan xagaagii dhamaaday wuxuuna koobab sadexley ah u hogaamiyay Paris Saint Germain.

Dhanka kale Sinisa Mihajlovic ayaa diiday inuu ka hadlo arimaha 20-jirka daafaca dambe ee kooxda Roma Alessio Romagnoli kaas oo la hadal hayo inuu ku biirayo Milan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>