Home » Maxaa Cusub » talkSPORT: Liverpool Oo Qiimaha Nathaniel Clyne Kala Heshiisay Kooxda Southampton, Ma Noqon Doonaa Saxiixii Lixaad?

talkSPORT: Liverpool Oo Qiimaha Nathaniel Clyne Kala Heshiisay Kooxda Southampton, Ma Noqon Doonaa Saxiixii Lixaad?


Clyne-southampton-515937

Sida ay fahantay talkSPORT kooxda Liverpool ayaa kala heshiisay Southampton qiimaha ay ku qaadaneyso daafaca midig ee xulka Ingiriiska Nathaniel Clyne.

Liverpool ayaa dhawaan laga soo diiday dalab 10 Malyan Oo Pound ah oo ay ka gudbisay 24-jirkaan heerka caalami, balse haatan qiimahii ay sare u qaadeen taasoo keentay in kooxda Saint ay aqbasho dalabkoodii.

Xidigii hore kooxda Crystal Palace ayaa haatan u safri doona gobolka Merseyside si uu wadahdal shaqsia h ula galo kooxdaan ka dhisan Anfield isla markaana uu caafimaad ugu maro halkaas.

Clyne kaliya hal sano ayaa heshiiska uu Liverpool kula joogo uga haray, wuxuuna go’aansaday inuusan heshiis cusub saxiixin taasoo ka dhigan inuu xagaaga soo aadan si xor ah kaga tagayo.

Hadii sheekadaan la dhameystiro, Nathaniel Clyne wuxuu noqon doonaa saxiixa lixaad ee Liverpool xagaagan wuxuuna la midoobayaa Firmino, Milner, Ings, Bodgan iyo Gomez.

Ugu dambeyntii Liverpool ayaa sameyneysa saxiixyo macquul ah si ay kooxdaan ugu soo laabato booskii horay loogu aqoon jiray ee Horyaalka Ingiriiska.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>