Home » Euro 2016 » Talo Soo Jeedin Casillas Iyo Costa Halaga Reebo Line Up-ka Spain Hada Kadib!

Talo Soo Jeedin Casillas Iyo Costa Halaga Reebo Line Up-ka Spain Hada Kadib!


Costa

Xulka Spain xaalka ayaa kusii xumaanayo waxaadna moodaa in waayo qaraar ay u bilaawdeen kadib markii 6-sano ah aduunyada ka talinayeen, kulankii ugu dambeeyay xulkan awooda badan wuxuu guuldaro 2-1 oo lama filaan ah kala kulmay xulka Slovakia.

Hadaba guuldaradii Spain ku dhacday waxay sababtay in xidigo ka mid ah xulkan si gaar ah qaab cayaaroodkooda loogu bagi waayay marka xiran yihiin maaliyada La Roja waxaana lasoo jeediyay in Line Up-ka xulkan laga reebo.

Diego Costa iyo Iker Casillas kalsoonida ayay kala laabatay saxaafada Spain waxayna badankooda isku raaceen in labadan laacibay u qalmaan kursiga keydka Spain.

Costa shaqada loo idmaday wuuu kasoo bixi waayay sidoo kalena wuxuu ku guul dareestay inuu reer Spain hilmaansiiyo halyee Davd Villa, waxaa intaas kasii daran xidigan wuxuu noqday taariikh ahaan weeraryahankii ugu horeeyay ee xulka Spain maaliyadiisa xirto kaasi oo 6-kulan ee ugu horeeso wax gool ah dhalinin!

Costa asigoo garoonka ku jiro waxaa badal lagu keenay weeraryahanka kooxda Valencia Alcacer kaasi oo Spain goolka u dhaliyay.

Sidoo kale kabtanka xulka Spain Casillas dhaliishiisa isagana ma dhamaato ayay noqotay wuxuuna qalad weyn ku lahaa goolkii labaad oo ay xulka Slovakia kaga badiyeen Spain.

Sidaa darteed waxaa lasoo jeediyay in Costa booskiisa la galiyo Alcacer halka Casillas isagana laga hormariyo David De Gae.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>