Tartanka Qaramada Asia (Asia Cup 2015) oo haatan si habsime leh kaga socdo dalka Australia ayaa soo gaaray wajigiisa labaad madaama ay isugu soo hareen 8-xul oo qura.
Tartankan xiisaha badan waxaa loo dhigay 16-dal balse 8-xul ayaa dib ugu laabteen dalalkii ay tartankan u matalayeen waxaana la rajeynaain 8-haatan isugu soo haartay ay halkiisa kasii amba qaadaan xiisaha uu sanadkan leeyahay tartankan.
Tan iyo markii uu tartankan bilaawday waxaa wareegii Guruubyada sanadkan la iska dhaliyay 61gool halka kulan walbo cel celis ahaan ay usoo daawasho tagayeen garoomada dalka Australia 16,496-taageero ah.
Sidoo kale dhanka gool dhalinta tartankan waxaa ilaa haatan 4-gool ku horkacaayo xidiga reer Urdun Hamza Al-Dardour balse nasiib daro xulkiisa qaybta Guruubyada ayay ku hareen.
Hadaba hoos kaga bogo 8-xul ee tartankan isugu soo hartay iyo sida ay isugu aadan yihiin:
22 January 2015: South Korea Vs Uzbekistan
22 January 2015: China PR Vs Australia
23 January 2015: Iran Vs Iraq
23 January 2015: Japan Vs United Arab Emirates
Sida ay Semi-Finalaha Xulalkan Isugu Aadi Doonaan:
26 January 2015: South Korea/Uzbekistan Vs Iran/Iraq
27 January 2015: China PR/Australia Vs Japan/United Arab Emirates