Juventus ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay kulan ay minankeeda ku qaabishay Parma waxeyna kaga taqalustay 7-gool, Tevez, Llorente, Morata iyo Litchtstiener ayeyna kaga mahad celineysaa kuwaas oo kala diray Parma.
Dhanka kale kooxaha Milano ayaan wax guul ah gaarin madama ay barbardhac la galeen Hellas Verona iyo Sampdoria ciyaaro kusoo dhamaaday natiijooyin isku mid ah min (2-2).
Roma oo hogaanka kula tartameysa Juventus ayaa qudheeda guul gaartay waxeyna qaarijisay kooxda Torino oo daris la ah Juventus, ciyaar ay kasoo hilaaceen Ljajic iyo Keita kuwaas oo qeyb ku lahaa goolashaas.
Qaab ciyaareedka loo doortay shaxdaan ayaa ah 4-2-4: waxaana goolhaye looga dhigay goolhayaha Udinese Orestis Karnezis, madama uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii Palermo.
Daafaca waxaa loosoo qaatay Stephan Lichtsteiner oo shaqo fiican qabtay kulankii Juventus ay guusha ka gaartay Parma sidoo kalana dhaliyay mid ka mid ah goolasha kooxda, Daniele Rungani oo ka tirsan kooxda Empoli isla markaana kooxdiisa ka saaciday iney guul ka gaarto Lazio, Koulibaly oo Napoli ah, iyo Mario Rui oo isna ka tirsan Empoli.
Laba xidig ayaa khadka dhexe loosoo xulay waxeyna ka tirsan yahiin kooxda Roma, Seydou Keita iyo Mirelam Pjanic kuwaas oo gacan weyn ka siiyay Rudi Garcia inuu farxad ka helo Torino.
Ugu dambeyntiina Afarta weerar ee lasoo xulay ayaa kala ah: Pellissier oo Chievo ka saaciday iney dhaafto Cesena, Dybala ayaa isna soo galay oo ka tirsan Palermo, waxaana intaas raaca labada wiil ee Juventus Carlos Tevez iyo Fernando Llorente.