Wargeska The Express ayaa ka hordhacay mustaqbalka kubad sameeyaha reer Brazil Oscar wuxuuna wargeskan saadaaliyay in xidigan xagaagan kooxdiisa Chelsea iska iibin doonto.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Oscar uu lumiyay kalsoonida macalin Jose Mourinho sidoo kalena haatan lagu daray xidigaha xagaagan ay Chelsea iska fasixi doonto.
Balse The Express ayaa sheegay in Mourinho uu Oscar la cayaari doono siyaasad dayacaad ah taasi oo ku wajahan inaan xili hore kooga laga diri doono balse hadii ay Chelsea badalkiisa hesho ay iska iibin doonto hadii ay weysana xidigan loo ogolaan doono inuu Stamford Bridge iska sii joogo.
Kooxda Juventus ayaa dabagal xoogan ku heyso kubad sameeyahan tayada wanaagsan waxayna Juve saraakiil usoo diri doontaa magaalada London todobaadka nagu soo fool leh si ay Chelsea kala hadlaan qaabkii Oscar looga iibin lahaa.
Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Juventus ay soo xero galinta 23-jirkan ugu tala gashay £18 million halka Chelsea ay ku dooneyso qiimo ka sareeyo £25m.
Oscar ayaa xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa Chelsea kusoo bilaawday 26-kulan Premiership-ka England balse waxaa marwalbo kooxda kaga fir fircoonaayeen xidigaha kala ah Nemanja Matic, Cesc Fabregas, Willian iyo Eden Hazard.
Oscar ayaa xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa Chelsea u dhaliyay 6-gool sidoo kalena wuxuu dhiibay 8-kubadood asigoo kooxdiisa kula guuleestay horyaalka England.