Home » Maxaa Cusub » The Guardian Oo Sheegay In Man City Ay Dhigeeda Juve Ku Wareejin Doonto Yaya Toure Si Ay Pogba Kaga Hesho

The Guardian Oo Sheegay In Man City Ay Dhigeeda Juve Ku Wareejin Doonto Yaya Toure Si Ay Pogba Kaga Hesho


Pogba

Wargeska The Guardian ayaa shaaca ka qaaday arin cusub taasi oo ah in kooxda Man City ay haatan wado qorshe ku aadan sidii Yaya Toure iyo lacago ay dhigeeda Juventus ugu wareejin laheyd si ay kaga hesho Paul Pogba.

Xidiga reer France Pogba koox walbo waxay u biro tumaneysaa sidii ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi laheyd sidaa darteed Man City oo ka cabsaneyso nidaamka dhaqaala wanaagsana qaarada Yurub hadii ay lacago farabadan bixiso ayaa dooneesay inay qorshahan cusub adeegsato.

Sidoo kale The Guardian wuxuu sheegay in Man City ay dhigeeda Juve la xariirtay una sheegtay qorsheyaan kala duwan kaasi oo ah hadii aysan kooxda reer Talyaani rabin Yaya uu heshiiskan qayb ka noqdo in xidigo kale la sii doono.

Xidigaha kale ee Juve loo sheegay inay mid ka doorato ayaa kala ah Samir Nasri, Stevan Jovetic, Aleksandar Kolarov ama Edin Dzeko midkood iyo lacago ayaa la siin doonaa si ay Man City Paul Pogba gacanta ugu dhigto.

Balse The Guardian ayaa helay xog ah in kooxda horyaalka Talyaaniga ku guuleesatay ay dooneyso lacago €100m inay Pogba kaga samarto sidoo kalena aysan rabin in bixitaanka Pogba cayaartooy lagu lifaaqo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>