Sida ay qortay jariiradda The Sun kooxda Manchester United ayaa u dhaw iney la saxiixato da’yarka kooxda PSV Eindhoven Memphis Depay.
21-jirkaan heerka caalami ee xulka Holland ayaa mudo badan lala xiriirinayay kooxda ka dhisan Old Trafford balse Louis Van Gaal ayaa tartan xoog leh kala kulmayay kooxaha Liverpool iyo Paris Saint Germain oo qudhooda raacdo ugu jira helista xidigaan.
The Sun ayaa ku warantay in Memphis Depay iyo Wakiilkiisa Kees Ploegsma ay u duuleen dalka Ingiriiska si ay heshiis ula gaaraan kooxda Manchester United iyadoo todobaadkii xidigaan uu qaadan doono aduun lacageed dhan 130,000 kun Pound.
Memphis Depay ayaa ka mid ahaa xidigahii uu macalin Louis Van Gaal u kaxeeyay Brazil koobkii Aduunka markaas oo uu watay xulka Holland taasna waa arinta loo xaglinayo inuu xidigaan United u dooranayo.
Dhanka kale Memphis Depay ayaa 26-gool u dhaliyay kooxdiisa dhamaan tartamada oo dhan xagaagan isagoo ka caawiyay iney ku guuleystaan horyaalka Holland mudo kadib.
Ugu dambeyntiina The Sun ayaa qirtay in agaasimaha kooxda Marcel Brands uu sidoo kale ku dhawaaqay in Memphis Depay ay iibin doonaan xagaagan.