Wargeska The Sun ayaa warar hordhac ah helay wuxuuna sheegay in kooxda Chelsea ay ku guuleesan rabto saxiixa xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Atletico Madrid Koke.
Blues sanadkii hore aya laacibkan ku raad joogtay balse uma suura galin inay lasoo saxiixato haatan The Sun ayaa sheegay in Chelsea ay fariin £40m u gudbisay dhigeeda Atletico lana filaayo inay aqbasho dalabkaan aadka u sareeyo.
Inkastoo xidigan ay xiiso adag u qabto kooxda Man City hadana The Sun ayaa sheegay in Chelsea ay ka faa’iideesan doonto xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay kooxda reer Spain.
Sidaa darteed Chelsea ayaa la sadaalinaa in goor hore ay xagaagan Koke heshiis la gaari doonto wuxuuna xidigan ka mid yahay laacibiinta qaarada Yurub dhanka khadka dhexe ugu wanaagsan.
Koke wuxuu ka mid yahay xidigaha loogu doonista badan yahay qaarada Yurub sidoo kalena laacibkan waxaa ku raad joogaan kooxaha PSG iyo Juventus oo dooneyso inay booska Paul Pogba galiso hadii xagaagan laga iibsado.