Home » Maxaa Cusub » Theo Walcott iyo Melanie Slade Oo Shaaciyay Xiliga Uu U Dhalan Doono Ubadkooda Ugu Horeeya

Theo Walcott iyo Melanie Slade Oo Shaaciyay Xiliga Uu U Dhalan Doono Ubadkooda Ugu Horeeya

c18

Weeraryahanka naadiga Arsenal iyo xulka England Theo Walcott iyo xaaskiisa Melanie Slade ayaa shaaca ka qaadeen inay rajaynayaan in ubadkooda ugu horeeyo uu dhalan doono xagaaga nagu soo fool leh gaar ahaan waxaa la rajeynaa inuu dhalan doono furitaanka koobka aduunka sidaa darteed Walcott ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay aqbaartan wuxuuna ka dhawaajiyay inay qiimo ugu fadhin doonto hadii ay isku soo beegmaan habeenka ugu horeeyo ee xulkiisa England cayaari doono iyo dhalashada cunigiisa.

Theo Walcott ayaa rajeynayo inuu ka mid noqon doono xidigaha uu tababare Roy Hodgson xagaaga nagu soo fool leh u xulan doono tartanka koobka aduunka oo sanadka dambe lagu qaban doono dalka Brazil waayo 24-jirkan nasiib uma yeelan inuu xulkiisa England kala qayb qaato koobkii aduunka 2010 madaama uu tababare Fabio Capello xiligaas ka reebay xulka England sidoo kale xidigan tartankii koobka aduunka 2006 asigoo 17-jir ah ayuu xulka England kala qayb galay balse nasiib uma yeelan inuu hal kulan xitaa cayaaro sida darteed Theo Walcott ayaa ku rajo weyn inuu markan xulka England ka dhex muuqdo sidoo kalena ay soo gaarto aqbaarta ah inuu aabo noqon doono inta lagu guda jiro koobka aduunka sanadka dambe bartamihiisa.


Waxaa Aqrisay: (258)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>