Home » Maxaa Cusub » Theo Walcott Oo Ka Hadlay Koobka Ay Xili Cayaareedka Dambe Arsenal Hiigsan Doonto

Theo Walcott Oo Ka Hadlay Koobka Ay Xili Cayaareedka Dambe Arsenal Hiigsan Doonto


Walcott

Kadib markii Arsenal labo sano oo isku xigto ay ku guuleesatay tartanka FA Cup-ka sidoo kalena kooxdan faca weyn ay dib u qabatintay sida koobabka loo qaado.

Waxaa qorshaha Gunners-ka ee xili cayaareedka dambe ka hadlay Theo Walcott oo kalsooni ka muujiyay in kooxdiisa ay hore usii socon karto.

Wuxuuna yiri “Waa inaan hadafkeena xili cayaareedka dambe ka dhigano Premiership-ka England madaama kooxda awoodeeda dheeli tiran tahay”

“Labo sano oo isku xigto inaan qaadno FA Cup-ka waxay ka dhigan tahay in Arsenal haatan awood u leedahay ina koob walbo hiigsato xili cayaareedka dambe”

“Sanado badan kadib waxaan arkaa Arsenal awood ahaan isku filan sidoo kalena waa arin farxad leh in qolka labiska Emirates labo sano oo isku xigto aan ku dabaal dagno anagoo koob muhiim ah heesano”

26-jirkan iyo kooxdiisa Arsenal xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday waxayn Premiership-ka England ka galeen kaalinta 3-aad ayagoo 12-dhibcood ka hooseyeen naadiga Chelsea oo horyaalka ku guuleesatay.

Hadaba la arki doonee Theo Walcott iyo kooxdiisa Arsenal tilaabada xigta oo ay damacsan yihiin inay qaadaan sida ay xili cayaareedka dambe u hirgalin doonaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>