Home » Maxaa Cusub » Theo Walcott Oo Sedexlay Arsenal U Dhaliyay Kulan Ay West Brom Cagta Mariyeen

Theo Walcott Oo Sedexlay Arsenal U Dhaliyay Kulan Ay West Brom Cagta Mariyeen


Arsenal

Arsenal kulankeedii ugu dambeeyay xili cayaareedkan waxay si qurux badan ugu bar baratay naadga West Brom kulan ka dhacay garoonka Emirates.

Kulankan xiisaha badan wuxuu qaas u ahaa Thoe Wallcot oo sedexlay West Brom ka dhaliyay cayaar kusoo idlaadatay 4-1.

Arsenal xili hore ayay naadiga West Brom jahada ka lumisay waxaana daqiiqadii 4-aad cayaarta 1-0 ka dhigay Walcot sidoo kale xidiga reer England ayaa goolkiis labaad raacsaday daqiiqadii 14-aad.

Jack Wilshere oo kulankan lagu soo bilaabay ayaa karti muujiyay wuxuuna helay goolkii uu u baahnaa daqiiqadii 17-aad asigoo cayaarta ka dhigay 3-0.

Wixii markaas ka dambeeyay ayay kooxda West Brom hurdada ka kacday waxayna kooxdan ku dadaashay inaan goolkale laga dhalinin.

Balse qorshaheeda uma suura galin waayo Walcott ayaa dhameestirtay sedexleydiisa asigoo cayaarta ka dhigay 4-0 daqiiqadii 37-aad.

Kulankan xiisaha badan waxaa qaybtii hore lagu kala nastay 4-0 oo ay hogaanka ku heesay kooxda Arsenal oo soo bandhigtay qaab cayaareed aad u wanaagsan.

Qaybtii labaad inta badan labadan naadi goolal badan iskama dhalinin waxaana West Brom u suura gashay inay hesho goolka samarsiinta waxaana u dhaliyay G. McAuly daqiiqadii 57-aad.

Macalin Arsene Wenger iyo xidigahiisa waxay guusha ku qaateen 4-1 taasi oo ka dhigan in Arsenal ay kaalinta 3-aad ku dhameesatay sidoo kalena si toos ah ayay xili cayaareedka dambe Champion-ka qaybtiisa guruubyada uga qayb qaadan doontaa.

Arsenal xili cayaareedka sidaan kuma soo gaba gabeyn waayo todobaadka dambe waxay Finalaha FA Cup-ka la cayaari doontaa naadiga Aston Villa.

Hadaba Wenger iyo wiilashiisa ma u suura gali doontaa todobaadka dambe inay FA Cup-ka gacanta ku dhigaan sidoo kalena ay garoonka Wembley ku dabaal dagaan!!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>