Theo Walcott oo aad uga careesay sida ay kooxdiisa ula dhaqmeyso arinka ku aadan qaabkii qandaraas cusub looga saxiixi lahaa aya furka tuurtay.
Xidigan oo la hadlaayay London Evening Standard wuxuu yiri “Wax hormar ah oo laga gaaray ma jirto sidii aan Arsenal heshiis cusub ugu saxiixi lahaa”
“Kaliya waxaan doonayaa inaan kubada sii cayaaro inta ka harsan xili cayaareedkan kadibna waan arki doonaa sida uu xaalka noqdo bisha June”
Inkastoo macalin Arsene Wenger uu dhawaan sheegay in kooxdiisa qorshaheeda uu yahay inay Walcott ceshato hadana xidiga reer England kuma qanacsano kooxdiisa madaama mudnaantii uu lahaan jiray ay meesha ka baxday.
Dhanka kale Walcott ayaa sheegay inuu ku madax wareersan yahay boos la’aanta kooxdisia ku heesato madaama uusan ka mid ahayn 11-ka xidig ee Arsenal joogtada ugu cayaarto.
“Dabcan cayaaryahan walbo ayaa ku foos wareer kursiga keydka, waxaan doonayaa inaan kubada cayaaro inkastoo aan mudo dheer garoomada ka maqnaa”
“Macalin Wenger wuxuu ii sheegay inaan dulqaad sameeyo anigana todobaad walbo dulqaad ayaan sameeyaa inkastoo aan jeclehay inaan garoonka kasoo muuqdo”
Ka hor inta uusan xidigan 18-bilood ka hor dhaawacmin wuxuu ka mid ahaa xidigaha ugu wanaagsan Premiership-ka England sidoo kalena isaga ayaa ahaa hogaamiyaha kooxda Arsenal.