Home » Horyaalada » France League I » Thiago Motta Oo Dib Ugu Soo Laabtay Kooxdiisa PSG Xili Ay Hiigsaneyso Hanashada Sedex Koob

Thiago Motta Oo Dib Ugu Soo Laabtay Kooxdiisa PSG Xili Ay Hiigsaneyso Hanashada Sedex Koob


Motta

Macalinka naadiga PSG Laurent Blanc ayaa saxaafada u sheegay in rug cadaa Thiago Motta uu kooxdiisa dib ugu soo laabtay sidoo kalena ka caawin doono qorshaha u dagsan inta ka harsan xili cayaareedkan.

Thiago Motta 5-kulan ee ugu dambeesay kooxdiisa Paris uma cayaarin wuxuuna xidigan ku dhaawacmay kulan PSG ay 3-2 kaga badisay naadiga Marseille bilawgii bishan.

Balse xidigan dhaawaca dhanka muruqa uu ka qabay wuu kazoo kabtay wuxuuna diyaar u yahay inuu safto kulanka Paris la cayari doonto naadiga Parc des Princes ee ka tirsan Ligue 1 France.

Macalin Blanc oo ka hadlaayo soo labaashada Mota wuxuu yiri “Thiago Motta dib ayuu kooxda ugu soo laabtay diyaarna wuxuu u yahay xiligan muhiimka ah inuu na caawiyo”

Dhanka kale macalin Blanc  ayaa sheegay in kabtanka Paris Thiago Silva weli uusan kasoo kabanin dhaawacii uu qabay “Silva diyaar uma ahan inuu todobaadkan kooxda u cayaaro sidoo kalena xaaladiisa halis ma galin doono”

Kooxda Paris todobaadkan waxaa koobka horyaalada Yurub ka reebtay naaadiga Barcelona oo 5-1 ku reebtay isku darka goolasha wareega 8-aad labada kulan oo ay wada cayaareen.

Balse PSG waxay fursad u heesataa inay ku guuleesato sedex koob oo dalka France laga cayaaro oo uu ku jiro horyaalka sidaa darted soo laabashada Motta waa mid muhiim u ah kooxdan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>