Home » Maxaa Cusub » Thierry Henry Oo Durbadiiba Shaqo Cusub Helay Kadib Markii Uu Cayaaraha Ka Fariistay

Thierry Henry Oo Durbadiiba Shaqo Cusub Helay Kadib Markii Uu Cayaaraha Ka Fariistay


image001.jpg

Thierry Henry ayaa si rasmi ah cayaaraha uga fariistay wuxuuna halyeegan soo gaba gabeeyay mudo 20-sano ah oo uu kubada cagta ku dhex jiray.

Inkastoo siweyn loo hadal haayay sidoo kalena qof walbo uu sadaal ka bixinaayay shaqada xigta ee uu halyeegan qaban doono hadana Henry si lama filaan ah ayuu shaqo cusub u helay.

Xidigan ayaa si rasmi ah heshiis ula gaaray TV-ga Sky Sports wuxuuna ka mid noqday quburada TV-gan kubada cagta uga faalooto.

Henry ayaa hada kadib la shaqeyn doono Gary Neville, Jamie Carragher iyoJamie Redknapp oo dhamaantooda ka wada tirsan shaqaalada Sky Sports waxaana xusid mudan in halyeeyaashaan ay kubada cagta ku xifaaltami jireen balse haatan hal shaqo ayay ku midoobeen.

Henry ayaa rabo inuu kubada cagta kusii dhex jiro sidaa darteed laacibkan ayaa xiiseenaayo inuu hada kadib todobaad walbo ka faaloodoo kulamada Premiership-ka England wuxuuna saldhigiisa noqon doonaa magaalada London.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>