Jookarka xulka Jarmalka Thomas Muller ayaa amaanay saaxiibkiisa kooxda Bayern Bastian Schweinsteiger kaas oo maalmo ka hor dib ugu soo laabtay xerada tababarka kooxda kadib dhaawac dhanka jilibka ah oo uu mudooyinkii dambe la xanuunsanaa isagoo qiray in labadaba Jarmalka iyo Bayern ay aad ugu baahan yahiin.
30-jirkaan ka tirsan Bayern Munich Bastian ayaan kasoo muuqan kooxdiisa iyo xulkaba bilahaan uu socdo xili ciyaareedka 2014-2015, madama uu dhaawacnaa.
Bayern si wacan ayey u ciyaarta la’aanta Bastian, balse Jarmalka ayaad moodaa inuu tabay xidigaan heerka caalami madama ay lumiyeen awoodii ay ku qaadeen koobka Aduunka.
“Aad ayey muhiim u tahay in ciyaariyahan leh qibrad waxqabad uu mar kale kusoo laabto kooxda” Ayuu yiri Muller oo la hadlayay Bild
“Marka aad dib ugu laabato bandhigiisii Finalka Koobka Aduunka, kaliya waad u mahad celin doontaa waana u baahanahay bandhiga ceynkaas oo kale ah”
“Soo laabashadiisa wey u fiican tahay Bayern iyo Jarmalkaba”
“Ciyaartoy badan ayaa ka faa’ideysta qibradiisa, gaar ahaan xiliga lagu jiro kulamada isreeb-reebka” Ayuu yiri Muller.
Dhanka kale Jarmalka ayaa wajahi doona Gibraltar caawa iyadoo uu ka maqan yahay Bastgian Schweinsteiger, waxaana xusid mudan in Jarmalka ay fadhiyaan booska sadexaad groupka D, iyadoo helay afar dhibcood kaliya sadex kulan oo ay ciyaareen.