Home » Maxaa Cusub » Thomas Muller Oo Sare U Qaaday Hadal Heynta Ku Aadan Inuu Xagaagan Man United Imaan Doono

Thomas Muller Oo Sare U Qaaday Hadal Heynta Ku Aadan Inuu Xagaagan Man United Imaan Doono


GermanyTrainingPressConferenceLnEZZnooovCl

Weeraryahanka reer Jarmal waxaa maalmihii ugu dambeeyay lala xariirinaayay kooxda Man United oo lacago 40-milyan oo pound ku baadi goobeyso Thomas Muller.

Hadaba Thomas Muller ayaa sare u qaaday hadal heynta ku aadan inuu xagaagan garoonka Old Trafford imaan doono wuxuuna xidigan aad uga hadlay xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay tababare Van Gaal iy suurta galnimada uu markale kula shaqeyn karo.

“Ma ahan arin la qarinaayo in aniga iyo macalin Van Gaal uu xiriir wanaagsan naga dhaxeeyo sidoo kalena waa shaqsigii caalamka tusay tayada aan leeyahay”

Muller oo la hadlaayay The Independent wuxuu yiri “Waan la socdaa wararka ay saxaafada hadal heyso oo ah inaan Man United usoo dhaqaaqi doono mana ahan arin cusub midaan”

“Waxaan kula jiraa Bayern heshiis gaarayo ilaa sanada 2017 sidoo kalena deg deg iguma jirto xiligan waayo xagaagan ayaan ogaan doonaa qorshaha maamulka kooxda kadib ayaan go’aan qaadan doonaa”

Thomas Muller ayaa la sheegay inay macalinkiisa Pep Guardiola isku dhacsiin yihiin kadib markii todobaadkii hore la badalay kulankii Barcelona.

Balse xidigan ayaa wararkaas beeniyay wuxuuna sheegay inuu xili walbo diyaar u yahay la shaqeynta Pep Guardiola.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>