Home » Horyaalada » Bundesliga » Thomas Muller “Ronaldo Hadii Uu Ku Guuleesto Ballon d’Or Waxay Noqon Doontaa Bilad Lagu Caajiso”

Thomas Muller “Ronaldo Hadii Uu Ku Guuleesto Ballon d’Or Waxay Noqon Doontaa Bilad Lagu Caajiso”


Muller

Weeraryahanka xulka Jarmalka Thomas Muller ayaa aaminsan in la joogo xiligii laacib kale la siin lahaa abaal marinta FIFA Ballon d’Or wuxuuna ka dhawaajiyay in biladaan ay qiimo beeli doonto hadii uu markale Cristiano Ronaldo ku guuleesto.

“Hadii Ronaldo uu Ballon d’Or ku guuleesto waxay biladan noqon doontaa mid lagu caajiso oo qiimo beeli doonto”

“Sidoo kalena su’aale ayaa ka dhalan doonaan, Manel Neuer ayaa joogo wuxuu noqday horyaalka aduunka sidoo kalena bandhig shaqsiyadeed aad u sareeyo ayuu muujiyay”

“Robben xitaa sanadkan wacdaro cajiib ah uu muujiyay sidoo kalena xidigo badan oo Jarmalka ka tirsan ayaa badhig wanaagsan muujiyeen”

Ronaldo oo ku guuleestay abaal marinta Ballon d’Or sanadii 2008 iyo 2013 ayaa siweyn loogu sadaalinaa inuu markale ku guuleesan doono sidoo kalena uu biladan ku garaaci doono Lionel Messi iyo Manuel Neuer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>