Macalinka cusub ee kooxda Borrusia Dortmund Thomas Tuchel ayaa soo gaaray garoonka Signal Iduna Park maanta isagoo doonaya inuu bog cusub u furo kooxda xili ciyaareedkii dhamaaday jahawareersaned.
Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaqay bishii April ee tagtay inuu ka dhaqaaqi doono kooxda marka uu xagaagan dhamaado, wuxuuna kulankiisii ugu dambeeyay guuldaro kala kulmay Wolfsburg oo ka xayuubsatay koobkii DFB Pokal ee ay finalka wada joogeen.
Hadaba Thomas Tuchel oo ahaa macalinkii hore Mainz ayaa soo gaaray Dortmund isagoo qabtay shirkiisa jaraa’id ee ugu horeeyay iyadoo ay xusid mudan tahay inuu heshiis sadex sano ah u saxiixay kooxdaan dooneysa iney dib usoo laabato.
Dortmund waxey ku dhameysatay booska 7-aad ee horyaalka balse wey ka gaabisay halkii looga bartay oo aheyd meesha ugu sareysay.
“aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan ahaado isla markaana aan macalin u noqdo kooxda Borrusia Dortmund” Ayuu yiri Thomas Tuchel oo ka hadlayay xafladii lagu soo bandhigayay.
“Waxaan doonayaa inaan tababaro koox ka mid ah kuwa ugu sareeya Bundesliga, leh dhaqan weyn, sidoo kalana u tartanta koobabka Jarmalka, taasoo macquul ka ah halkaan”
“Wax weyn ayey ii tahay inaan qeyb ka noqdo qaab dhismeedka kooxda aad baan ugu mahad celinayaa dhamaan”
Sidoo kale Thomas Tuchel ayaa amaan kala duldhacay macalinkii tagay ee Jurgen Klopp kaas oo aan maamuli doonin koox kale tan iyo inta uu ka nafisayo shaqooyinkii adkaa ee mudooyinkii ugu dambeeyay.
“Jurgen todoba xili ciyaareed oo aan la aamini karin ayuu halkaan joogay, waxaana doonayaa inaan halkaan ka abuuro cutub cusub oo darjo sare ah”
“Klopp wuxuu abuuray hay’ad heer sare ah, waa inaan taas dhisnaa, waxaana heystaa go’aan aan ku dhiso sidoo kalana aan aragtideyda wax ku maamulo halkaan”