Kubad sameeyaha kooxda Arsenal Tomas Rosicky ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay ku guuleesan rabto saxiixa goolhayaha waaya araga ah Petr Cech.
Tomas Rosicky waxay saaxiibo aad isugu dhow yihiin Cech oo ay sidoo kale dalka Czech kasoo wada jeedaan wuxuuna xidigan ka warqabaa tilaabada uu qaadi doono goolhaye Cech xagaagan.
Tomas Rosicky oo la hadlaayay Daily Sport wuxuu yiri “waan ogahay labada dhinac wada hadalo meel wanaagsan maraayo ayaa u socdo mana doonayo inaan arinkaan carqalad ku noqdo”
“Arsenal waxay ka mid tahay kooxaha aduunka ugu wanaagsan halka Petr uu ka mid yahay goolhayeyaasha ugu wanaagsan caalamka sidaa darteed wada shaqeyntooda labada dhinac faa’iido ayaa ugu jiri doonto”
“Petr xaq wuxuu u leeyahay inuu mustaqbalkiisa cayaareed go’aan ka gaaro sidoo kalena uu qaado talaabo isaga u wanaagsan”
Goolhaye Petr Cech ayaa xaalad adag ku sugan madaama uu xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday intiisa badan kursiga keydka ku dhameestay.
Wuxuuna xidigan dhawaan kooxdiisa Chelsea ka codsado in la iska fasaxo madaama aan boos joogto ah loo heynin.