Home » Horyaalada » La Liga Spain » Toni Kroos “Macalin Ancelotti Wax Weyn Ayuu Kusoo Kordhiyay Kubadeyda Cayaareed”

Toni Kroos “Macalin Ancelotti Wax Weyn Ayuu Kusoo Kordhiyay Kubadeyda Cayaareed”


kroos-ancelotti-training490

Kubad sameeyaha xulka Jarmalka iyo kooxda Real Madrid Toni Kroos ayaa website-ka FIFA kaga waramay sida uu kooxdiisa cusub ula qabsaday iyo hogaanka tababare Carlo Ancelotti waxa uu ka faa’iiday.

25-jirkan bilawgii xili cayaareedkan ayuu naadiga Bayern Munich isaga soo tagay wuxuuna doortay inuu xirto maaliyada Los Blancos o ah kooxda ugu guulaha badan qaarada Yurub.

“Aadban ugu faraxsanahay ka hoos cayaarida macalin Ancelotti waayo falsafadiisa iyo sida aan kubada u cayaaro ayaa is waafaqsan”

“Sidoo kalena waxaan ka bartay macalin Carlo sida cayaarta la isugu dheeli tiro qaab difaac iyo qaab weerar haatana masuuliyad weyn ayaa i saaran madaama aan ahay shaqsiga u dhaxeeyo daafaca iyo weerarka”

“Waxaan dhihi karaa kubadeyda wax weyn ayaa iska badalay waxaana ugu wacan macalin Anceotti oo aan agtiisa ka helay kalsooni  weyn”

Sidoo kale Kroos ayaa ka dhawaajiyay inuu ku sax sanaa go’aankii uu Bayern Municha kaga soo tagay inkastoo uu kooxda reer Jarmal lasii joogi karay wuxuuna laacibkan doortay Real Madrid madaama Bayern ay dalbkiisa ahaa in mushaar sare la siiyo ay ka jawaabi weesay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>