Wiilka beryahan khadka dhexe u agaasimo kooxda Bayern Munich Toni Kroos ayaa lagu wadaa inuu garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqo madaama xidigan iyo kooxdiisa Bayern ay isku maan dhaafeen qaabkii qandaraas cusub looga saxiixi lahaa ladib markii uu lacago badan mushaar ahaan u dalbaday, durbadiiba qilaafkan waxaa loo sheegay macalin David Moyes oo go’aansaday inuu u daawasho tago kulankii Bayern la cayaartay naadiga Monchengladbach, macalin Moyes ayaa sidoo kale la kulmay wakiilka Toni Kroos waxayna ka wada hadleen qaabkii 24-jirkan uu naadiga Man United ugu soo biiri lahaa inta harsan bishan Janaayo ama marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
Toni Kroos qandaraaska uu Bayern kula joogo waxaa ka harsan 18-bilood sidaa darteed Man United ayaa ugu tala gashay inay kula soo wareegto xidigan ku wanaagsan qaybtinta kubada 25-milyan oo pound, Kroos ayaa kusoo baxay xili cayaareedkan cayaaryahanka kaliya ee uu kulan walbo macalin Pep Guardiola cayaarsiiyo ilaa haatana kooxdiisa ku dhawaad 30-kulan ayuu u saftay, inkastoo xidigan uu Bayern kusoo bar baaray hadana shaki weyn ayaa ku jiro inuu garoonka Allianza Arena baaqi kusii ahaan doono waayo masuulka ugu sareeyo Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka dhawaajiyay in qaabkii Kroos heshiis cusub looga saxiixi lahaa lagu guul dareestay madaama uu xidigan mushaar badan dalbaday sidaa darteed Man United inay gacanta ku dhigi doontaa ayaa loo badinaa xidigan tayada wanaagsan.
Waxaa Aqrisay: (661)
Mogadishu - Somalia