Kubad sameeyaha xulka Jarmalka Toni Kroos oo haatan aad ula dhacsan nolosha uu ku qaadanaayo magaalada Madrid ayaa u mahad celiyay macalinkiisa Carlo Ancelotti iyo wargeska Marca.
Kroos ayaa lagu amaanay sida uu Real Madrid ula qabsaday wuxuuna macalin Ancelotti xidigan ku tilmaamay “Professor kubada cagta looga haray!”
Sidoo kale wargeska Marca ayaa isna ku tilmaamay Kroos inuu Madrid si wacan booska Xabi Alonso ugu buuxiyay sidoo kalena uu ku taqasusay sida kubada loo falkiyo.
Kroos oo la dhacsan amaanta dhan walbo ooga imaaneyso wuxuu yiri “Mahad sanid macalin Carlo adiga ayaa sabab u ah inaan Madrid si dhaqsi ah ula qabsado”
“Sidoo kale doorkeyga ma qaadan laheyn hadii aanan raaci laheyn shaxdaada iyo kalsoonida aad I siisay”
“Wargeska Marca waa warges qiimo badan sidoo kalena waan la dhacsanahay amaanta aan dhankooda ka helay waxaana rajeynaa inaan sanadkan guulo taariikhi ah Real Madrid la wadaago”