Home » Horyaalada » La Liga Spain » Toni Kroos “Xidigaha Caalamka Culeeska Ayaa Laga Badiyay!”

Toni Kroos “Xidigaha Caalamka Culeeska Ayaa Laga Badiyay!”


Kroos

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka Jarmalka iyo kooxda Real Madrid Toni Kroos ayaa dhaliilsan kulamada faraha badan ee xiligan casriga ah la cayaaro wuxuuna laacibkan ka dhawaaqijyay in cayaartooyda aduunka shaqada laga badiyay haatana ay halis ku sugan yihiin.

“Xaqiiqdii culees weyn ayaa saaran xidigaha caalamka waayo heer naadi iyo heer qaranba kulamo waali ah ayay cayaaraan sidaa darteed sidaan xal ma ahan waxaana ku suganahay xaalad halis ah”

“Inta uu xili cayaareedka socdo kooxaha waxay cayaaraan sedexdii maalinba kulan waana shaqo dhib badan hadana cayaartooyda heerka caalami waxaa usii dheer inay waajibaad qaran gutaan sidaa darteed shaqo aanan xamili karin ayaa dusha naga saaran dhamaanteena”

“La yaab ma ahan in labadii bilood ee ugu dambeesay in cayaartooy fara badan ay dhaawacmeen waxaana ugu wacan nasiino la’aanta iyo kulamada isdaba jooga ah”

Kroos iyo xulkiisa Jarmaka markii ugu horeesay 33-kulan oo heer caalami ah kadib ayay guuldaro xulka Poland kala kulmeen isreeb reebka Euro 2016 wuxuuna xidigan ka dhawaajiyay in guuldaradaas aysan xulkiisa waxba u dhimi doonin balse dhibaatada Jarmalka heesato ay tahay xidigaha badan ee dhaawaca kaga maqan xiligan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>