Masuulka kooxda Chelsea u qaabilsan inuu dabagal ku sameeyo cayaartooyda kooxdan dooneyso Tony White ayaa la sheegay inuu haatan daka Beligum ku sugan yahay.
Mr. Tony White ayaa si gaar ah maal mihii ugu dambeesay u daawanaayay xarunta tababarka kooxda Anderlecht sidoo kalen wuxuu daawaday bilawgii todobaadkan kooxdan kulan ay cayaartay horyaalka Belgium.
Waxaa la sheegay in Chelsea ay dooneyso inay lasoo saxiixato wiilka tayada wanaagsan Youri Tielemans kaasi oo 17-jir ah kana tirsan kooxda Anderlecht.
Sidoo kalena wiilka 20-jirka ah Leander Dendoncker isagana Anderlecht ka tirsan ayay Chelsea dabagal xoogan ku heysaa waxayna Blues dooneysaa labadan xidig inay heshiis la gaarto marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Youri Tielemans oo khadka dhexe ka cayaaro ayaa haatan ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan horyaalka Belgium waxaana sidoo kale xidigan dhalinta yar dabagal ku ahaayn kooxaha Liverpool iyo Arsenal.