Kooxda ka dhisan waqooyiga Magaalada London ee Tottenham ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa da’yarka kooxda Malaga Samu Castillejo kaas oo ku faraxsan nolosha kooxdiisa, inkastoo uu ka dhawaajiyay inuusan ogeyn inta uu ku sugnaan doono.
Xidigaan garabka ka ciyaara ee 20-jirka ah ayaa waxqabad muuqda sameeyay xili ciyaareedkaan wuxuuna soo jiitay kooxaha Liverpool iyo Atletico Madrid.
“Mustaqbalkeyga haatan wuu cad yahay, waxaan kaliya ka fakarayaa xulkeyga qaranka, waxaan dib ugu laaban doonaa kooxdeyda iyadana ka fakari doona markaas” Ayuu yiri Castillejo
“Waxa dhici doona musaqbalka ma garan kartid, kaliya waxaan dhihi karaa waxaan ku faraxsanahay halkaan” Ayuu mar kale yiri.
Ugu dambeyntiina kooxda White Hart Lane ku ciyaarta ayaa si ba’an u dooneysa xidigaan waxeyna kula dagaalami doontaa saxiixiisa Atletico Madrid.