Macalin Arsene Wenger wuxuu usoo jeesan doonaa xidigaha ku sugan Emirates si uu kaga diro Waqooyiga London xidigaha uusan u baahneyn.
Sidaa darteed qaar ka mid ah saxaafada Ingiriiska ayaa baahisay in ugu yaraan 5-cayaaryahan ay Arsenal iska fasixi doonto inta uu suuqa Yurub furan yahay.
Hadaba hoos kaga bogo xidigaha Gunners-ka ay ka maaranto sidoo kalena garoonka Emirates laga diri doono dhawaan:
Wojciech Szczesny wuxuu ku biiri doonaa naadiga Roma
Mathieu Flamini wuxuu ku biiri doonaa naadiga Galatasaray
Joel Campbell wuxuu ku biiri doonaa naadiga Besiktas
Tomas Rosicky wuxuu ku biiri doonaa naadigii uu kubada kasoo bilaabay Sparta Prague
David Ospina wuxuu ku biiri doonaa naadiga Fenerbahce
Jack Wilshere waxaa la hadal hayaa in Man City uu ku biiri doono