Madaama nidaamka guruubyada koobka horyaalada Yurub wax laga badalay waxay UEFA shaaca ka qaaday kooxaha xili cayaareedka dambe 2015/16 hogaamin doonaan qaybaha guruubyada tartankan qiimaha badan.
Hadaba nidaamkan cusub ayaa lagu saleeyay inay guruubyada Champion-ka hogaamin doonaan 8-naadi ee kusoo gala guuleesteen 8-horyaal ee Yurub ugu fiican xiligan.
Madaama haatan xili cayaareedkan uu dhamaad ku dhow yahay sidoo kalena si rasmi ah loogu guuleestay 8-horyaal ee qaarada Yurub ugu wanaagsan waxaa UEFA u sahlanaatay inay shaaca ka qaado kooxaha Guruubyada hogaamin doonaan xili cayaareedka dambe waxayna kala yihiin:
FC Barcelona (ESP)
Chelsea FC (ENG)
FC Bayern München (GER)
Juventus (ITA)
SL Benfica (POR)
Paris Saint-Germain (FRA)
FC Zenit (RUS)
PSV Eindhoven (NED)
Waxaa xusid mudan in dhamaan 8-naadi ee sare ku xusan sidoo kalena Guruubyada Champion-ka hogaamin doonaan inay xili cayaareedkan ku guuleesteen horyaaladooda.