Xiriirka qaarada yurub ayaa ku dhawaaqay garsooraha dhex-dhexaadin doona finalka koobka horyaalada yurub ee Champions League-ga oo ay isugu soo hareen kooxaha Barcelona iyo Juventus, waxeyna u doorteen inuu kala garsooro labadaan kooxood ninka reer Turkey ee Cuneyt Cakir.
Labada kooxood ee kala heysta horyaalada talyaaniga iyo Spain ayaa horaanta bisha June ku kulmi doona garoonka Olympiastadion ee ku yaala magaalada Berlin kaas oo xusuus u leh qaar ka mid ah ciyaartoyda Juventus sida Pirlo Buffon kuwaas oo ka mid ahaa wiilashii Azzurri ee garoonkaas ku qaaday koobkii Aduunka 2006.
Sidoo kale UEFA waxey ku dhawaqday in labada calanhaye ay u noqon doonaan Bahattin Duran iyo Tarik Ongun oo labaduba u dhashay dalka Turkiga balse garsooaha afaraad wuxuu noqon doonaa Jonas Eriksson oo u dhashay dalka Sweden.
Xili ciyaareedkaan garsoore Cuneyt Cakir wuxuu garsooray afar kulan oo Champions League ah iyo sadex kulan oo Europa League ah tasoo ka dhigan inuu tartamada yurub dhexdhexaadiye ka noqday 7-kulan.
Dhanka kalana garsoore Martin Atkinson oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa loo doortay garsooraha dhex-dhexaadin doona finalka Europa League-ga oo dhexmari doona kooxaha Sevilal iyo Dnipro