Home » Maxaa Cusub » Urbana Cairo Oo Beeniyay In Daafaciisa Matteo Darmian Uu Goor Hore Ku Biiray Kooxda Man United

Urbana Cairo Oo Beeniyay In Daafaciisa Matteo Darmian Uu Goor Hore Ku Biiray Kooxda Man United


Matteo Darmian

Madaxweynaha kooxda Torino Urbana Cairo ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in kooxda Man United ay goor hore dhameystirtay saxiixa daafaca midig ee xulka Azzurri Matteo Darmian.

Arbacadii ayey aheyd markii tababaraha kooxda Giampiero Ventura uu shaaciyay in kooxda Man United ay la saxiixatay Darmian, waxeyna warbixinada sheegeen in 25-jirkaan uu 14 Malyan Oo Pound ku tagayo Old Trafford.

Si kastaba warbixino hoose ayaa sheegaya in Maanta uu tijaabo caafimaad u mari doono Man United, balse Urbana Cairo ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin wax wali la dhameeyay.

“Aad baan u jeclahay Darmian” Ayuu Urbana Cairo u sheegay La7, “Matteo waa xidig aad muhiim noogu ah, waa lagama maarmaan aan aad u jeclahay”

“Man United waa koox weyn, balse ma jiraan wax wali la dhameeyay oo ku aadan iibkiisa, walina ma jiraan wax qeexan, waxaan doorbidi lahaa inaan si rasmi ah looga hadlin”

Dhanka kale Tababare Van Gaal ayaa goor hore la saxiixday Memphis Depay, sidoo kalana waxey rajeyneysaa saxiixa Morgan Schneiderlin.

Ugu dambeyntiina Darmian ayaa ah xidig aad ugu wanaagsan ka ciyaarista daafaca midig wuxuuna sidoo kale 13-kulan u saftay Azzurri.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>