Dowlada Mareykanka ayaa si cad uwaydiisata dowlada Switzerland inay u soo gudbiyaan 7 shaqsi ee ka tirsanaa madaxda FIFA kuwaas lagu xiray Zurich bishii Mayee sanakaan , waxaana arinkaan cadeeyay xafiiska cadaalada Switzerland.
waxaana kamid ah madaxweyne ku xigeen FIFA iyo madaxii hore ee xiriirka CONCACAF Jeffrey Webbkuwaas oo horay lagu xiray howlgal ay ciidamada boliiska Switzerland ka sameeyeen hotel ku yaala magaalada Zurich maalmo ka hor intii aan la qabanin doorashadii madaxtinimada FIFA.
Xubnaha katirsan fifa ee laxiray ayaa loo heystaa inay qaateen laaluus 100 milyan doolar ah, iyadoo waaxda cadaalada Mareykanka ay amar ku bixisay in la soo xiro 18 nin oo ka tirsan ama ka tirsanaa madaxda FIFA oo qeyb ka ahaa baaritaanka lacagta lalunsaday iyo laaluush qaadashada ururka ugu sareeya kubada cagta caalamka.ee FIFA
Ugu dambayntii habeenkii Xalaytoahaa ayaa dowlada Mareykanka AY si rasmi ah u codsaday in loo soo gudbiyo todoba nin ee ku xiran Switzerland, inkastoo muddo dheer ay qaadan karto inay taasi dhacdo madaama raga xiran ay racfaan ka qaadan karaan go’aan kasta oo loogu dhiibayo Mareykanka.