Home » Maxaa Cusub » Valencia Oo Looga Digay Dabagalka Ay Ku Heyso Kubad Sameeyaha Man United Juan Mata

Valencia Oo Looga Digay Dabagalka Ay Ku Heyso Kubad Sameeyaha Man United Juan Mata


Mata

Daily Star ayaa qortay in kooxda Manchester United ay uga digtay dhigeeda Valencia dabagalka ay ku heyso xidiga reer Spain Juan Mata.

Xidigii hore Chelsea ayaa qaab ciyaareed qurux badan lasoo baxay kulamadii ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska, inkastoo la hadal hayay inuu xagaagan ka tagayo garoonka Old Trafford.

Juan Mata ayaa kursiga keydka wehel la noqday horaantii xili ciyaareedkaan, taasoo keentay in lala xiriiriyo dib ugu laabashada kooxda Valencia ee La Liga.

Hadaba United ayaa ka hadashay hadal heynta la xiriirta in xidigaan ay dooneyso Valencia, waxeyna u sheegtay in Juan Mata uusan iib aheyn.

Louis Van Gaal ayaa aaminay Juan Mata, waxaana Valencia ay maqashay war naxdin leh oo ku saabsan xod-xodashada ay ku heysay xidigaan.

Ugu dambeyntii Mata ayaa door muhiim ah ka qaatay hormarka ay kulamadii ugu dambeeyay sameysay Man United waxeyna haatan fadhisaa booska sadexaad ee horyaalka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>