Macalinka kooxda Man United Luis Van Gaal oo ku cusub nolosha Premiership-ka England ayaa siweyn u dhaliyay kulamada isdaba jooga ah ee la cayaaro bishan Desember.
Man United bishan Desember oo kaliya waxay cayaari doontaa 8-kulan oo Premiership-ka England dhibaato kooxdan kaliya u gaar ah waayo horyaalkan waxaa dhaqan u ah in bishan kulamo badan la cayaaro.
Balse macalinka reer Holland ayaa dhaliilsan siyaasadan wuxuuna yiri “Uma wanaagsan horyaalka sidoo kalena kooxahana uma wanaagsano in kulamo waali ah oo isdaba joogo ah la cayaaro bisha Janaayo”
“Waa markii iigu horeesay ee aan arko bishan ayadoo aan kulamo badan isku diyaarinaayo tan iyo markii aan macalin noqday”
“Horyaalada Yurub bishan oo kale inta badan kooxaha kulamo badan ma cayaaraa balse halkan waali ayaa ka jirto mana u maleynayo inay dan ugu jirto dhamaan kooxaha EPL ku tartmayaan xili cayaareedkan inay kulamo xariir ah cayaaraan”
Macali Van Gaal kooxdiisa Man United xidigo badan ayaa dhaawac ka ah taasi oo dhibaato u keeni karto cayaartooydiisa inay dareemaan daal dheeraad ah inta lagu guda jiro bishan Disember.