Home » Maxaa Cusub » Van Gaal Oo Kalsooni Ku Qaba In Rooney Uu Soo Idleyn Doono Habaarka Ka Heysta Inuu Gool Ku Dhaliyo Anfield

Van Gaal Oo Kalsooni Ku Qaba In Rooney Uu Soo Idleyn Doono Habaarka Ka Heysta Inuu Gool Ku Dhaliyo Anfield


Roo

Kabtanka Kooxda Manchester United ayaa ka habaaran inuu gool ku dhaliyo garoonka Anfield Road ee ku yaala gobolka uu kusoo barbaaray ee Merseyside, isagoo kaliya 1-gool ku dhaliyay waayahiisa kubada cagta.

29-jirkaan ayaa haatan ah xidiga labaad ee ugu goolasha badan kooxda Mancehster United waxaana kaliya ka horeeya Sir Bobby Charlton, 10-sano oo uu ku sugnaa United kuma guuleysan inuu ku dhaliyo Anfield wax kabadan hal gool.

Si kastaba tababare Louis Van Gaal ayaa aaminsan in kabtankiisa reer Engalnd uu soo idleyn doono habaarka ka heysata inuu gool ku dhaliyo Anfield kulanka Axada.

Rooney ayaa kulamadii ugu dambeeyay United u ciyaaraya weerarka madama Robin Van Persie uu dhaawacmay sidoo kalana Falcao kalsooni lagu qabi waayay.

“Waa xidig qibrad leh, kaas oo ciyaari kara meel oo garoonka ka mid ah uma maleynayo iney dhibi doonto sawaxanka iyo qeylada garoonka” Ayuu yiri Louis Van Gaal.

Kooxaha xifaaltanka xun uu ka dhaxeeyo ee Man United iyo Liverpool ayaa ku kulmi doona Axada garoonka Anfield xili labada kooxood ay ku dagalamayaan kaalinta afaraad, sidoo kalana farqi laba dhibcood ah ayaa u dhaxeysa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>