Macalinka reer Holland ee leyliya kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa ka dhawaajiyay in da’yarka Juventus Paul Pogba uu ku jiro liiska xidigaha uu doonayo inuu keeno Old Trafford marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Paul Pogba ayaa isaga tagay United sanadii 2012, isagoo markaas si xor ah ugu biiray Juventus, wuxuuna haatan noqday mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe loogu jecel yahay dunida kubada cagta.
Telegraph ayaa qirtay in Van Gaal uu diyaar la yahay 60 Malyan Oo Pound si uu u helo Pogba, xili uu isku diyaarinayo macalinkaan inuu suuqa galiyo 150 Malyan Oo Pound.
Sidoo kale wargeyska wuxuu intaas ku daray in Van Gaal uu doonayo daafac dhexe, Daafac Midig, xidig khadka dhexe ah iyo hal weeraryahan taasoo qiimo ahaan lagu qiimeeyay 150 Malyan Oo Pound.
Ugu dambeyntiina Pogba ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Manchester City, Chelsea, Real Madrid, Barcelona iyo PSG.