Tababaraha kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa qorsheynaya inuu kursiga keydka kusoo bilaabo Robin Van Persie kana hormariyo da’yarka kooxda James Wilson kulanka ay kooxdiisa sabtida la ciyaari doonto Crystal Palace.
Wilson oo 18-jir ah ayaa kulamadii ugu dambeeyay kooxda badal ku imaanayay, inkastoo arintaan ay ka dambeysay kadib markii la dhaleeceeyay qaab ciyaareedka kabtanka Holland Robin Van Persie wuxuuna Van Gaal doonayaa inuu tijaabo ka qaado Wilson.
James Wilson ayaa dhaliyay laba gool kulankiisii ugu horeeyay kooxda Manchester United uu kasoo muuqdo waxeyna aheyd kulankii ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkii lasoo dhaafay markaas oo kooxda uu macalin u ahaa Ryan Giggs.
Si kastaba suuragalnimada ah in Robin Van Persie kursiga keydka lagu soo bilaabo ayaa 70% laga dhigay iyadoo James uu heli doono fursadii ugu horeysay ee kulan loogu soo bilaabo.
Dhanka kale Radamel Falcao ayaa la filayaa inuu kasoo kabto dhaawac uu qabay isla markaana ka qeyb qaato kulanka Crystal Palce, iyadoo Evans, Jones iyo Herrera uu wali shaki ku jiro.