Home » Maxaa Cusub » Van Gaal Oo Xaqiijiyay Inuu Sameyn Doono Saxiix Layaab Leh Ka Hor Inta Uusan Xirmin Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Xagaagan

Van Gaal Oo Xaqiijiyay Inuu Sameyn Doono Saxiix Layaab Leh Ka Hor Inta Uusan Xirmin Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Xagaagan


Van Gaal

Tababare Louis Van Gaal ayaa ka dhawaajiyay inuu kooxdiisa miisaami doono, wuxuuna shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka San Jose Earthquake ku sheegay inuu sameyn doono saxiix layaab leh ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Hadalka kasoo yeeray Van Gaal ayaan la garan karin halka uu ku wajahan yahay wuxuuna qiray in kooxdiisa ay u baahan tahay weeraryahan tayo sare leh.

“Ma ahan weeraryahanka ay saxaafada qorayaan” ayuu yiri Van Gaal.

“Balse waa inaad aragto isla markaana aad sugto, suuqa wuu furnaan doonaa ilaa 31-da August ama 2-da September”

Si kastaba dhawaan ayey aheyd markii wakiil ka tirsan FIFA uu shaaciyay in Cristiano Ronaldo uu ka tagayo Real Madrid, waxaana suuragal ah in saxiixa layaabka leh uu noqdo xidiga Aduunka haatan heysta ee Ronaldo.

Lewandowski, Muller, Benzema, Bale, Ronaldo, Higuain iyo Kane ayaa dhamaantood lala xiriirinayaa kooxda Manchester United waxaana la filayaa in mid ka mid ah uu yimaado Old Trafford.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>