Home » Maxaa Cusub » Van Gaal: “Waxaan Sameeyay Go’aan Tayo Leh, Hadda Ayaana Qosli Karaa”

Van Gaal: “Waxaan Sameeyay Go’aan Tayo Leh, Hadda Ayaana Qosli Karaa”


LVG

Tababaraha kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa ku kaftamay inuu hada qosli xiligaan kadib go’aankii tayada lahaa oo uu sadexda daafac ku isticmaalay kulankii ay 2-1 ku garaaceen Arsenal Axadii.

Iyadoo Manchester United ay dhibaatooyin dhaawac la dageen, hadana wiilasha yaryar ee McNair, Blackett iyo Smalling ayaa ciyaaray daafaca dhexe ee kooxda iyadoo Valencia iyo Shaw ay ka ciyaarayeen daafacyada garbaha walow xidiga reer England Luke Shaw uu dhaawacmay.

Van Gaal ayaa shaxdaan ka guuray September inkastoo dhaawacyada kooxda ay dib ugu soo celisay inuu isticmaalo, hadana tayada ay soo bandhigeen wiilashiisa aad ayuu ula dhacay.

“Hadii 20-kii daqiiqo ee ugu horeysay ay Arsenal dhalin laheyd goal, waad i weydiin laheyd sababta aan u doortay sadexda daafac, balse hadda waan qosli karaa” Ayuu Van Gaal yiri.

“Kalsooni ayaan ku qbaaa waxaan sameeyay go’aan sax ah, ka hor kulanka”

Sidoo kale Van Gaal ayaa Blackett iyo McnNair ku amaanay shaqada quruxda badan ee ay qabteen kulankii Arsenal isagoo si gooni ah u amaanay goolhayaha reer Spain David De Gea.

Ugu dambeyntii macalinka reer Holland ayaa rajeynaya inuu dhawaan helo xidigo badan oo dhaawac hadda kaga maqan, si kooxda ay u noqoto mid dhameystiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>