Home » Maxaa Cusub » Van Persie Iyo Tababaraha Xulka Holland Hiddink Oo Wada Qaateen Kulamo Miro Dhel Ah

Van Persie Iyo Tababaraha Xulka Holland Hiddink Oo Wada Qaateen Kulamo Miro Dhel Ah


RVP

Madaama xulka Holland uu haatan qarka u saaran yahay inuu gabi ahaanba isaga haor tartanka Euro 2016 sidoo kalena xulkan xaalad jah wareersan ayay ku sugan yihiin, si looga baxo xaaladan xun waxaa kulan miro dhal ah magaalada Manchester ku qaateen Robin Van Persie iyo macalin Guus Hiddink.

31-jirkan oo kabtan u ah xulka Holland 3-kulan oo uu xulkan u hogaamiyay isreeb reebka Euro 2016 waxay la kulmeen labo guuldaro sidaa darteed RVP iyo macalinkiisa ayaa arimo badan ka wada hadleen wuxuuna laacibkan la wadaagay saxaafada kulankii uu macalinkiisa la yeeshay.

“Wuxuu ahaa kulan xasaasi oo aan waxba la iska qarsanin waxaan rajeynaa inaan wax badan isla sixi doono macalin Hiddink waana ka xumahay in xulkeena Holland weli bandhig wanaagsan ka muujinin isreeb reebka Yurub”

“Sidoo kale waxaan ka wada hadalnay sidii aan isbadal deg deg ah ula imaan laheyn runtii Hiddink waa macalin qabiir ah waana hubaa inuu naga saari doono culeeska sida lama filaanka ah noogu habsaday”

Xulka Holland waxay 12-ka bishan kulan saaxiibtinimo la cayaari doonaan xulka Mexico balse 4-maalmood kadib waxay magaalada Amsterdam ku marti qaadi doonaan xulka Latvia kulan ka tirsan isreeb reebka Euro 2016 waxayna Holland ku qasban yihiin inay kulankan guuleestaan si ay rajadooda dib usoo celiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>