31-jirka reer Holland Robin Van Persie hada kadib kama mid ahaan doono xidigaha lama taabtanka ah ee kooxda Man United kusoo bilaabato kulan walbo.
RVP dhawaanahan hoos u dhac xoogan ayaa heestay balse marwalbo wuxuu garab ka helaayay macalinkiisa Luis Van Gaal.
Laakiin weeraryahankan waaya araga ah fashilka ku habsaday waxaa la qarin waayay kulankii Man United garoonka Emirates kula cayaartay naadiga Arsenal.
Waayo RVP kaliya labo jeer ayuu kubada baasay qaybtii hore ee kulankan halka goolhaye David De Gae uu 7-jeer kubada baasay qaybtii hore!!
Van Persie qaybtii dambe ee kulankan ayaa la badalay weliba asigoo badalka u baahan madaama uu saameyn muuqato la imaan waayay waxaana lagu badalay wiilka dhalinta James Wilson.
Wargeska The Metro ayaa sheegay in aad ugu adkaan doonto RVP inuu hada kadib si joogto ah Man United ugu cayaaro.
Balse nasiib wanaag xidigan haatan ma jiro weeraryahan booska kula tartami karo waayo Radamel Falcao isaga ayuu kasii liitaa madaama dhaawaciisa aad u batay.
Sidaa darteed Man United waxay ku qasbanaan doontaa inay bisha Janaayo lasoo saxiixato weeraryahan tayo wanaagsan madaama waayihii quruxda badnaa ee RVP sii dhamaanayaan.