Home » Maxaa Cusub » Van Persie Oo Hogaaminaayo Ragga Uu Macalin Van Gaal Garoonka Old Trafford Ka Diri Doono

Van Persie Oo Hogaaminaayo Ragga Uu Macalin Van Gaal Garoonka Old Trafford Ka Diri Doono


RVP

Wargeska Daily Express ayaa sheegay in macalin Luis Van Gaal uu garoonka Old Trafford ka diri doono xidigo magac ku leh gudaha kooxda Man United.

Madaama Van Gaal cadaadis weyn saaran yahay wuxuu doonayaa marka uu xili cayaareedkan dhamaado inuu kooxdiisa kala shafo.

Sidaa darteed Robin Van Persie ayaa hormuud ka ah ragga uu macalin Van Gaal albaabka ka dari doono madaama xidiga reer Holland hoos u dhac iyo dhaawacyo joogto ah waqtigiisa uu ku qaatay xili cayaareedkan.

Inkastoo 31-jirkan ay saaxiibo yihiin macalin Van Gaal hadana markan tababaraha reer Holland ma doonayo in shaqadiisa la galaafsado sidaa darteed RVP waayihiisii Old Trafford bisha June ayuu soo gaba gaboobi doonaa.

Sidoo kale macalin Van Gaal ayaa Man United ka fasixi doono xidigaha kala ah Radamel Falcao, Van Persie, Juan Mata iyo Rafael Da Silva.

Waxaana la hadal hayaa in macalinkan uu ugu yaraan 8-cayaaryahan oo dheeri ah xagaaga nagu soo fool leh suuqa Yurub kasoo iibsan doono ka hor inta uusan tilaabadaas qaadin ragga Old Trafford ku sugan kuwa uusan u baahneyn ayuu iska diri doonaa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>