Robin Van Persie dhaqaalo badan ayuu ka kasbaday go’aankii uu kooxda Man United kaga tagay waayo xidigan waxay United siisay £6m si uu Old Trafford kaga tago madaama uu qandaraas u harsanaa.
Sidoo kale Daily Star ayaa sheegay in RVP uu kooxda Fenerbahce si hormaris ah kaga qaatay £4m madaama uu si xor ah ku yimid.
Waxaa intaas usii dheer in weeraryahankan uu heshiis 3-sano ah qalinka ku duugay sidoo kalena uu todobaad walbo qaadan doono £240,000 oo ka dhigan in muda sedexda sano uu qaadan doono £37.44M.
31-jirkan waxay midaan kaga dhigan tahay inuu ka helay u dhaqaaqida kooxda Fenerbahce £47.44M waana lacago aad u fara badan marka la fiiriyo d’ada uu haatan Van Persie jiro.
RVP oo horey ugu soo cayaaray kooxaha Feyenoord, Arsenal iyo Man United ayaa dhawaan sheegay inuu kooxda Fenerbahce ku doortay madaama ay qorshe aad u sareeyo usoo bandhigeen.
Dabcan RVP inuu horyaalka Turkiga u dhaqaaqo sababta ka dambeyso ayaa banaanka lasoo dhigay waana arimo dhaqaale inuu dalka Turkiga ka hawl galo asigoo horyaalada Yurub ugu caansan uu u hayaami karay.