Home » Maxaa Cusub »  Van Persie Oo La Weydiiya Saaxiibka Ugu Wanaagsan Ee Uu Xidigaha Man United Ku Dhex Leeyahay Hadaba Muxuu Kaga Jawaabay!

 Van Persie Oo La Weydiiya Saaxiibka Ugu Wanaagsan Ee Uu Xidigaha Man United Ku Dhex Leeyahay Hadaba Muxuu Kaga Jawaabay!


RVP

Weeraryahank xulka Holland Robin Van Persie ayaa la weydiiyay xidigaha uu sida qaaska ah saaxiib ula yahay marka laga hadlaayo laacibiinta ku sugan garoonka Old Trafford.

RVP oo Man United kusoo biiray sanadii 2012 ayaa si qaas loo wediiyay laacibka uu saaxiibka la yahay sidoo kalena ku kalsoon yahay.

RVP oo laacib waaya araga ah ayaa arinkan kaga jawaabay “Dhamaan xidigaha United ku sugan gaar ahaan kuwa kooxda ku cusub si wanaagsan ayay naadiga ula qabsadee”

“Haatana waxaan nahay hal qoys oo kale waxaana ka dareemi kartaa sida aan haatan iskula shaqeyno”

“Aadbay u adag tahay inaan xidig gaar ah ka dhex tilmaamo laacibiinta Man United oo aan dhaho isaga ayaan saaxiib la ahay ama aad iigu dhow”

“Xaqiiqda ayaa ah in xidigaha United ku cusub iyo kuwii horey u joogi jireen inaan dhamaantooda saaxiib la wada ahay sidoo kalena waji furan kula shaqeeyo”
Dabcan jawaabta uu bixiyay 31-jirkan waa mid wada qancin doonto dhamaan xidigaha Man United ku sugan gaar ahaan Ander Herrera, Luke Shaw, Angel di Maria, Daley Blind iyo Radamel Falcao wey ku farxi doonaan hadalkiisa madaama ay Old Trafford ku cusub yihiin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>