Kooxda goor hore ku guuleysatay horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa si raaxo leh tababar maanta ugu sameysay Camp Nou iyagoo dhoolacadeynaya waxaana sidoo kale farxad dareemaya Thomas Vermaelen oo safan doona sabtida kulankiisa ugu horeeya kooxdiisa.
Thomas Vermaelen wali garoon ma galin tan iyo markii uu bilowgii xagaagan kaga soo biiray Arsenal madama xidigaan dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid dhaawaciisa, balse ugu dambeyntii Deportivo La Coruna ayuu wajahi doonaa Sabtida.
Sabtida kaliya uma ahan maalin xusuus leh Vermaelen ee waa maalintii ugu dambeysay oo uu Xavi Hernandez ku ciayari Camp Nou oo uu ku sugnaa ilaa iyo 11-jirkiisii madama uu dhamaadka xagaagan ka tagi doono kooxda Bulgarana.
35-jirkaan reer Spain wuxuu kooxdiisa kula guuleystay 23-koob, sidoo kalana wuxuu fursad u heystaa laba final oo ay kooxdiisa ciyaari doonto dhawaan.
Vermaelen rikoor ayaa u yaala kaas oo ah inuu ku guuleystay La Liga isagoon hal kulan safan, sidoo kalana wuxuu nasiib u helayaa inuu safto kulankiisa ugu horeeya maalinta ay kooxdiisa u dabaal dageyso hanashada horyaalka.
DAAWO SAWIRADA