Home » Horyaalada » La Liga Spain » Vicente del Bosque Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Rafa Benitez Hogaanka Real Madrid Loogu Dhiibi Doono

Vicente del Bosque Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Rafa Benitez Hogaanka Real Madrid Loogu Dhiibi Doono


Capture

Macalinka xulka Spain Vicente del Bosque sidoo kalena horey usoo leyliyay naadiga Real Madrid ayaa soo dhaweeyay go’aanka maamulka Madrid ay ku doorteen macalin Rafeal Benitez.

Vicente del Bosque ayaa ku tilmaamay dhigiisa reer Spain Benitez uu xalin karo dhibaatada xili cayaareedkan Real Madrid lasoo gudboonaatay.

Vicente del Bosque wuxuu yiri “Ugu yaraan Rafa waa shaqsi xalin karo dhibaatada Real Madrid sidoo kalena leh waaya aragno uu Madrid ku hogaamin karo”

“Shaqsi ahaan waan jeclahay falsafada Benitez iyo heerka uu kubada cagta ka gaaray sidaa darteed ma jirto shaqsi kaga haboon in Real Madrid loo dhiibo”

Dhinaca kale Del Bosque ayaa ka gaabsaday suurta galnimada Iker Casillas iyo David de Gea ay Real Madrid kaga mid ahaan doonaan xili cayaareedka dambe.

“Waa arin aan laga hordhici karin madaama labadan goolhaye ay haatan xulka Spain ka wada tirsan yihiin hadana ma aqaan sida ay Madrid xal ugu heli karto inay labadooda xili cayaareedka dambe Bernabue ku wada heyso”

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>