Arturo Vidal ayaan aheyn dooqa koowaad ee rigoore tuurida kooxda Juventus, waxaana heysta Carlos Tevez oo ah xidiga uu Allegri u doortay inuu tuuro rigoore walba oo ay kooxda hesho, balse Vidal ayaa xalay dhaliyay rigoore guul ay uga heleen Monaco.
Arturo Vidal ayaa sharaxay sababta keentay inuu tuuro rigoorada isagoo qiray inuu kubada weydiistay Carlos Tevez si uu ugu hibeeyo, xidiga reer Argentina ayaana saaxiibki ku sharfay kubada taasoo isna uu gool u badalay.
“Waxaan weydiistay Carlito kubada kadibna waan dhaliyay, ma ahi dooqa koowaad ee rigoore tuurista” ayuu xidigaan reer Chile u sheegay Sky Sport Italia.
Sidoo kale Vidal ayaa ka xumaaday inuu lumiyo fursad uu hogaanka ugu dhiibi karay kooxdiisa qeybtii hore ciyaarta taasoo dahabi aheyd waxeyna soo martay dhamaadkii ciyaarta.
Ugu dambeyntiina Vidal ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda wuxuuna uga mahad celiyay Tevez inuu u hadiyeeyay kubadii uu ka codsaday.